Dowladda Soomaaliya oo xirtay Wadaad taageersan Alshabaab

Wararka Maanta

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamada Amniga ay soo xireen Mustafa Cali Caanood oo sida ay sheegtay faafinayey Fikirka Khawaarijta.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu yiri “ Iyada oo laga duulayo go’aanka dowladda ee la xiriira ciribtirka fikirka marin habaabinta ah ee kooxaha Khawaarijta ah ayaa Ciidamada Amnigu waxa ay xalay oo ku beegnayd 13-11-2022 soo xireen Mustafa Cali Caanood oo ah shakhsi caadeystey fidinta fikirka Khawaarijta.”