Faafaahin: weerar habeen hore loo geystay saldhig ay Alshabaab ku lahayen duleedka Afgooye

Wararka Maanta

Faahfaahin dheeri ah ayaa ka soo baxaya weerarkii duqeynta ahaa ee habeen hore ay Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Wadanka Maraykanka ay ka gaysteen tuulada yuunbis ee Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Wararka ayaa sheegaya in Tuuladaasi ay saldhig weyn u aheyd  Al-shabaab oo ay ka soo abaabulaan weerarada.

Sida ay qortay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA goobta duqayntu ka Dhacday ay ku sugnaayeen hor-joogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab, iyadoo uu warku intaasi ku daray in khasaare ka soo gaaray duqayntaasi Hor-joogayaashii iyo Maleeshiyaadkii goobtaasi ay fariisinka u aheyd, balse lama cadeyn tirada rasmiga ee khasaaruhu soo gaaray .

Comments are closed.