Waxaa maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho shirka Madasha Hoggaanka Qaran, waxaana looga hadlayaa Qodobadan:
1. In La Cayimo waqtiga doorashada la soo afjarayo
2. Dhameystirka Hannaanka Doorashada Dadban
3. Dedejinta Doorashada Aqalka Hoose Iyo Midda aqalka Sare
4. Xal Ka Gaarista Muranka Puntland iyo Gobollada Waqooyi ee Ku aadan aqalka sare
5. Qoondada Haweenka .
6. Xallinta Kuraasta muranka ka jiro ee aqalka hoose
7. In doorashada madaxtinnimada lagu qabto 2016-ka gudaheeda.
8. In la fududeeyo Tas-hiilaadka ay doorashada u baahan tahay.
Shirkaan ayaa waxaa ka maqan Axmed Madoobe iyo C/wali Gaas, lamana oga sababta maqnaanshahooda.