Baarlamaanka oo ansixiyay Ra’iisul wasaaraha cusub

Wararka Maanta

Mudanayaasha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh oo gacan taag ah ku ansixiyay Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka, waxaana ansixisay 231 mduane.

 C501UusWAAEx2H2

Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku dhaawaqay in Ra’iisul wasaaraha la ansixiyay.

“231 aya soo xaadirtay, mana jirin cid ka aamustay ama diiday, waana ansax” ayuu yiri Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa uga mahadceliyay Xildhibaanada labada gole sida kalsoonida leh ee ay codka u siiyeen.

“Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo shacabka waxaan u sheegayaa in garsoorka uu madax banaanyahay” ayuu yiri Mudane Xasan Cali Kheyre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in wada tashiyo dheer kaddib uu soo dhisi doono Xukuumad tayo leh.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka ayaa isla goobta ku dhaariyay Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka.

Xigasho: Sonna