Wasiirka Arimaha Gudaha oo daah furay Shirka Madasha Xiriirka Heerarka Dowladaha (Sawirro)

Wararka Maanta

Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federaalka waxay daah furtey shir wadatashi ah oo ku saabsan sameynta Madasha Xiriirka Heerarka Dowladaha oo socon doona muddo seddex maalmood ah. Shirka waxaa furey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federalka, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, waxaana ka qeyb galaya Wasiirro iyo mas’uuliyiin ka socota Wasaaradaha Dowladda Federaalka iyo Wasaarradaha Dowladaha xubnaha ka ah oo ay ka mid yihiin: Wasaaraddaha arrimaha gudaha, amniga, dastuurka, dib-u-heshiisiinta, Qorsheynta, Maaliyada, Cadaaladda, Xafiisyada madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada yo Guddiyada madaxa banaan ee qaranka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka maadaama ay u xil saaran tahay hoggaaminta iyo abaabulka sameynta Madasha Wadatashiga Xiriirka Heerarka Dowladaha taasoo gogol-xaar u noqoneysa Guddiga Isku-Xirka Xukuumadaha ee la sameyn doono sida ku cad Qodob-ka 111F ee Dastuurka KMG ah.
Madasha waxay ka shaqeyn doontaa fududeynta iskaashi iyo isla-xiriirka Dawladda Federaalka iyo xubnaha xukuummadaha Federaalka dhexdooda; iyo xallinta wixii khilaafaad ku saabsan maamul ama siyaasadda ee awoodooda hoos imanaya.

Madashan waxaa looga gol leeyahay isku soo dhoweynta iyo xoojinta xiriirka wadashaqeyneed ee ka dhexeeya heerarka dowladaha. Waxaana la rajaynayaa in wadahadallada madashu ay xaqiijiyaan isla jaan qaadka doorarka iyo mas’uuliyadaha ka dhexeyso heerarka dowladaha.

15338698_1107859829326782_8848225163805819331_n 15350661_1107859965993435_4768673924343353401_n 15391128_1107859855993446_4524355652878749137_n 15400952_1107859985993433_4077545859615168658_n