Koofur Galbeed oo taageertay Sucuudiga & UAE

Wararka Maanta

Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Koofur Galbeed ayaa la safatay xulufada Sucuudiga iyo Imaaraatka carabta, warqad kasoo baxday Koofur Galbeed oo ku qorneyd luuqadda ingiriisiga ayaa looga soo horjeestay go’aankii dhexdhexaadnimada ah ee dowladda Soomaaliya ka qaadatay khilaafka Khaliijka.

Waa maamulkii afaraad ee taageera Sucuudiga iyo imaaraatka, horey ayaa waxaa taageeradooda u muujiyey maamulada Somaliland, Puntland, iyo Hirshabeelle.

Koofur Galbeed ayaa go’aankii dowladda federaalka ah qaadatay 6 Juun 2017 ku tilmaantay mid aan lagala tashan maamul goboleedyada, waxaana ay sheegeen in Sucuudiga iyo imaaraatka ay Soomaaliya la leeyihiin xiriiro soo jireen ah.

Dhanka ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijinaya in Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan uu u safri doono imaaraatka carabta, kadib taagerada ay u muujiyey xulufada kasoo horjeeda wadanka Qadar.