Pep Guardiola Oo Ku Kalsoon Willy Caballero

Ciyaaraha

3732475e00000578-0-image-a-12_1471250266516

Tababaraha kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa ku celiyay in uu ku kalsoon yahay goolhayaha dooqa labaad ee Willy Caballero.

Goolhayaha reer Argentina ayaa ku bilaaban doono garoonka Barcelona kulanka Champions League habeenka talaadada ka dib markii Claudio Bravo u casaan qaatay kulankii lugtii hore horaantii bishaan.

Guardiola ayaa sheegay inuu wax shaki ahka qabin ciyaaryahanka ka hor kulanka kaas oo City ay doonayso inay guuleystaan islamarkaana ku dhamaystaan kalinta koowaad eeĀ Group C.

Caballero ayaa lix kulan u saftay City tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

W\D Hafsa Haaji

Comments are closed.