Ernesto Valverde: ‘Goolasha Luis Suarez way imaan doonaan’

Ciyaaraha

Tababaraha kooxda Barcelona Ernesto Valverde ayaa taageeray weeraryahan Luis Suarez inuu ku soo laabto qaab ciyaareedkiisii cajiibka ahaa uu caanka ahaa ka dib markii uu ku dhibtooday inuu gool dhaliyo.

30 jirkaan ayaa seddex gool u dhaliyay 11 kulan oo uu u saftay kooxda reer Catalan xilli ciyaareedkan, waana markii ugu danbeysay ee shan kulan ka hor kulankii ay ka hor imaadeen Atletico Madrid.

Dhibaatada Suarez ayaa sii socotay habeenkii Talaadadii, madaama uu ku guuldareystay inuu shabaqa soo taabto mid ka mid ah todobadii kulan ee barbaraha goolal la’aanta ah ee ay la galeen Olympiacos – inta badan waxa uu hal kulan u ciyaaray isagoo aan gool ka dhalin Barca.

Valverde ayaa difaacay weerarkiisa, inkastoo uu u sheegay suxufiyiinta: “Waan jeclahay qaab ciyaareedkaan Suarez wax badanna mararka qaar goolka wuxuu ku xiran yahay hal mitir oo dheeraad ah dhanka bidix ama midigta.

“Waan jeclahay inay helaan fursad ay gool ku dhaliyaan, guushaan ma aysan imaaneynin, waan jeclaa kooxda.”

Suarez ayaa 28 gool udhaliyay La Liga xilli ciyaareedkii hore.