Weeraryahanka Chelsea Alvaro Morata ayaa shaaca ka qaaday inuu la soo saxiixan lahaa xidiga qadka dhexe ee Real Madrid Isco haddii uu mas’uul ka ahaan lahaa Stamford Bridge.
Morata ayaa Real Madrid uga soo biiray Chelsea xagaagan, waxaana uu dhaliyay 8 gool 15 kulan oo uu u saftay kooxda ka dhisan England xilli ciyaareedkan 2017-18.
Weeraryahanka ayaa haatan ku jira xulka qaranka Spain, markaas oo uu jeclaan lahaa inuu keeno Chelsea, 25 jirkaan ayaa doorbiday “ciyaaryahanka ugu muhiimsan Real Madrid” Isco.
“Waxaan isku dayi lahaa inaan Isco keeno Chelsea markaan ka soo laabto xerada Spain, laakiin waxaan qabaa in haatan uu heysto mid ka mid ah doorka ugu muhiimsan Madrid, sidoo kale xulka qaranka waa muhim” ayuu Morata u sheegay Cadena Ser.
“Waxaan u maleynayaa in uusan aheyn mid aan laga fekereynin marka uu dareemayo muhiim, aduunkoo dhan wuxuu aragnay tan iyo markii uu qabtay Real Madrid, waa ciyaaryahanka ugu muhimsan ee Real Madrid iyo xulka qaranka, wuxuu bedelayaa kulamada, wuxuu bedelayaa farqiga. Wuxuu kubadda u dheelaa si fiican, sidoo kale waa saaxiibkey. ”
Spain ayaa Costa Rica iyo Russia labo kulan oo saaxiibtinimo la ciyaari doonaan.