Home » Ciyaaraha » Paulo Dybala Oo Ku Faraxsan Inuu Sii Joogo Juventus Muddo Dheer Date :September 12, 2017 Author :Hafsa Haji Views : 151

Paulo Dybala Oo Ku Faraxsan Inuu Sii Joogo Juventus Muddo Dheer

Paulo Dybala ayaa ku adkeysanaya inuu ku faraxsan yahay inuu sii joogo kooxdiisa mustaqbalka fog, inkastoo ay xiiseyneyso Barcelona.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Argentina ayaa la fahamsan yahay inuu ku sii jeeday kooxda Catalan xagaagan ka dib markii xilli ciyaareed kale uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah, isagoo ka caawiyay Bianconeri inay ku guuleysato Serie A markii lixaad oo xiriira iyo Copa Italia.

Wakiilka Mino Raiola ayaa Isniintii sheegay in 23 jirkaan uu ugu danbeyn ka tagi doono Juventus, iyadoo Real Madrid ay sidoo kale sheegtay inay xiiso u qabtay 18kii bilood ee u danbeysay.

Dybala ayaa u muuqda inuu Turin u ciyaari doono waqtigaan, inkastoo uu u sheegay suxufiyiinta: “Qofna wax hadal ah iga ma dhihin Barca”.

“Waxa kaliya ee ay kooxdu i dhahday waa inay iga doonayaan inaan qeyb ka ahaado mashruucaan muddo dheer, waana ku faraxsanahay taas, hadii kooxda iyo madaxweynaha [Andrea Agnelli] doonayo inaan sii ahaado Juve, taas ayaana ah halkaan. ”

Madaxweynaha Barca Josep Maria Bartomeu ayaa dhawaan amaanay Dybala, laakiin wuxuu hoos u dhigay rajada ku aadan mustaqbalka xidigan.

W/Q Hafsa haji

Blog Stats

  • 412,498 hits

Leave a Reply