Sawirro: Gudoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Wasiirka Cadaaladda oo kulmay

Wararka Maanta

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Dalka Garyaqaan Ibrahim Iidle Sulaymaan iyo Wasiirka wasaaradda cadaaladda Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa Kulan muhiim ah Ka yeeshay arinta la xiriirta xafiiska cabashada dadweynaha oo dhawaan ay furtay wasaarada cadaaladda.

Xafiiskaan oo ay garyaqaano badan Ka muujiyeen inay suura gal tahay inuu saameyn Ku yeesho habsami u socodka howlaha garsoorka. Falanqeyn dheer kadib Waxey labada mas,uul isla qaatay Qodobadan:

1. in Madax banaanida Garsoorka ay tahay lama taabtaan.

2. In wasarada cadaaladda si cad u qeexdo howlaha xafiiska iyo waajibaadiisa.

3. In howlaha xafiiskaas ay noqdaan Kuwo aan Ka hor imaaneyn Dastuurka iyo shuruucda kale ee Dalka isla markaana aan qabad Ku ahayn habsami u socodka Garsoorka.

Kulanka labada masuul ayaa ku soo idlaaday jawi is afgarad, tan iyo intii uu xilka Maxkamadda Sare dalka la wareegay garyaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan oo si xowli ah ku socday howlaha garsoorka, isagoo balaarin iyo dib u habeyn ku sameeyey howlaha Garsoorka. Sidoo kale wuxuu gudoomiyuhu dadaal dheer u galay ciribtirka musuqmaasuqa hay’adaha adeegga garsoorka.

Dhamaad

Xafiiska Warfaafinta Garsoorka