Home » Ciyaaraha » Liverpool Oo Laga Soo Diiday Racfaankii Ay Ka Qaateen Casaankii Loo Taagay Sadio Mane Date :September 12, 2017 Author :Hafsa Haji Views : 235

Liverpool Oo Laga Soo Diiday Racfaankii Ay Ka Qaateen Casaankii Loo Taagay Sadio Mane

Weeraryahanka Liverpool Sadio Mane ayaa lagu ganaaxay seddex kulan ka dib kooxda ayaa racfaan ka qaatay dhererka ganaaxa casaankii uu qaatay kulankii Manchester City.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Senegal ayaa casaan la siiyay qeybtii hore ee kulankii Premier League ee ay la yeesheen City, taasoo Reds  5-0 lagu garaacay  Etihad Stadium.

Mane ayaa  goolhaye Ederson  wajigiisa lugta bidix uga dhuftay, taasoo keentay in laga doodo haddii jaale ama casaan uu ahaa ciqaabta saxda ah ee ganaaxa.

Liverpool ayaa rajeyneysay inay noqoto mudada ganaaxa hal ama labo kulan, lakiin xiriirka kubada cagta Ingariiska ayaa go’aamiyay in ganaaxo uu noqdo sedex kulan, 25 jirkaan ayaana seegi doona seddexda kulan ee soo socda.

W/Q Hafsa haji

Blog Stats

  • 412,500 hits

Leave a Reply