Ousmane Dembele Oo Soo Noqonaya Isbuucyada Soo Socda

Ciyaaraha

Ousmane Dembele ayaa ku wargiliyay macalinka Barcelona Ernesto Valverde inuu diyaar noqonaayo aabto kulamada labada isbuuc ee soo socota.

Kooxda reer Catalan ayaa waxaa ka maqan saxiixoodii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga tan iyo bishii September ka dib markii uu dhaawac jilibka ah soo gaaray 30 daqiiqo markii ugu horeysay ee uu ku bilowday horyaalka La Liga.

baaritaano laga qaaday  bilowgii bishaan ayaa muujinaya in Dembele uu ku soo laaban doono jadwalka, iyadoo dib loogu soo celinayo El Clasico ee Real Madrid 22 December.

Bartilmaameedkaas ayaa u muuqda inuu yahay mid sax ah, iyadoo weeraryahankii hore ee Borussia Dortmund laga soo xigtay The Sun: “Labo isbuuc ayaan ku soo laaban doonaa kooxda.

“Aad ayay u adkaan doontaa sababtoo ah inta tababarka ah ee aan sameynayo, laakiin maalin walba si adag ayaan u shaqeyn doonaa si aan dib ugu soo laabto sida ugu dhaqsiyaha badan.”

Dembele, ayaa lagu bedelay Neymar, seddex kulan oo uu u saftay Barca ka hor inta uusan dhaawacaan muruqa kulankii ay 2-1 kaga badiyeen Getafe 16kii September.