Manchester United Oo Dhamaystirtay Saxiixa Da’yarka Kooxda Espanyol

Ciyaaraha

Untitled

 

Manchester United ayaa dhameystirtay saxiixa Arnau Puigmal oo ka soo jeeda Espanyol, iyadoo ciyaaryahanka reer Spain ee 18 jirada  uu ku shaaciyay  heshiiskan bartiisa Instagram.

16 jirkaan ayaa qandaraaska la saxiixday Red Devils bishii July, laakiin heshiiskaan ayaan lagu dhawaaqin.

Inkastoo United aysan weli xaqiijinin heshiiska, xiddiga qadka dhexe ayaa taageerayaashiisa la wadaagay sawir isaga iyo  halyeeyga kooxda Andy Cole iyo tababaraha da’yarta 18 jirda ee Kieran McKenna.

Puigmal ayaa ku qoray Intstagram: “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ku dhawaaqo inaan ahay ciyaaryahan cusub oo Manchester United!”

Puigmal, oo qadka dhexe ka ciyaara, ayaa loo magacaabay ciyaaryahanka ugu fiican tartanka Mediterranean International Cup, tartankaas oo Lionel Messi uu hore ugu tartamayay.

W/Q Hafsa Haji