Somalia iyo Qadar oo Heshiis hormarimeed kala saxiixday

Wararka Maanta

Dowladaha Soomaaliya iyo Qadar ayaa ku kala saxiixday goor dhow magaalada Muqdisho heshiis horumarineed oo ku kacaya labo boqol oo malya oo dollar iyadoo saxiixa heshiiskana uu goobjoog ka ahaa ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Heshiiskan oo ah mid mashaariic horumarineed loogaga hirgelinayo wadanka Soomaaliya ayaa yimid kadib markii uu saaka soo gaaray magaalada Muqdisho wafdi uu horkacayo Madaxa Hay’ada Horumarinta Qadar  Khalifa Jassim Al Kuwari.

Dowlada Soomaaliya ayaa ugaga mahadcelisay dowlada Qadar kaalmada horumarineed ee ay ugu deeqday dalka Soomaaliya iyo weliba mashaariicda horumarineed ee ay dowlada Qadar ka fulinayso wadanka Soomaaliya.

Wafdi uu hogaaminayo Agaasimaha guud ee Sanduuqa Horumarinta Qadar Mr. Khalifa Jassim Al kuwari oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo horumarinta dhaqaallaha Jamal Mohamed Hassan, Wasiirka Amniga gudaha Mr. Mohamed Abukar Islow iyo Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mukhtar Mahad Daud.

Hoos ka daawo Sawirada