Man City Oo Dhameystiray Heshiiska  Aymeric Laporte

Ciyaaraha

Manchester City ayaa ku dhawaaqday saxiixa daafaca ree  france ee Aymeric Laporte oo ka yimid kooxda Athletic Bilbao, iyadoo la rumeysan yahay in hishiiskaas uu ku kacay 57 milyan oo ginni.

23 jirkaan ayaa Kevin De Bruyne ka dhigtay inuu noqdo saxiixii ugu qaalisanaa ee reer Citizens ka dib markii qandaraaskiisa lagu burburinayay isbuucaan.

Laporte, oo aan weli u safan xulka heerka caalami ee faransiiska, ayaa qandaraas shan sano iyo bar ah u saxiixay kooxda ka dhisan Etihad Stadium, waxaana uu ku ciyaari doonaa fanaanada lambarka 14aad.

Agaasimaha kooxda kubada cagta ee City Txiki Begiristain ayaa u sheegay website-ka rasmiga ah ee kooxda: “Waxaan qiimeynay fursadaha daafaca, waana ciyaaryahan aan muddo dheer ku riyoonay.

“Iyadoo tayadiisa iyo awoodiisa uu ka ciyaari karo daafaca, waxaan dareemeynaa in Aymeric uu taam u noqon doono qaab ciyaareedka Pep Guardiola.”

City ayaa suuqa ugu jirtay daafac dhexe oo cusub tan iyo xagaagan ka dib markii ay seegeen saxiixa West Bromwich Albion ee Jonny Evans.

Imaanshiyaha Laporte ayaa hadda waxay ka dhigan tahay in Eliaquim Mangala si amaah ah ku baxo inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.