NISA oo soo furtay Haweeney Kenyaan ah oo lagu heystay Koofurta Mudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee howlgala  Galmudug ayaa xalay ku guuleystay in ay soo furtaan  gabadh  Kenyaan ah oo ay afduub u heysteen koox burcad ah, howlgalkan oo ayaa ka dhacay degmada Camaara gobolka Mudug  oo 200 km koofur bari uga beeggan degmada Cadaado.

nisa-cadaado

Ciidamada ayaa saaka gabadhan keenay magaalada Cadaado xarunta kumeelgaarka ah ee dowlad goboleedka Galmudug, waxaana la filayaa in goordhow loo soo bandhigo saxaafadda,  ciidammada NISA  ee ka howlgala Galmudug waxay howlgal sidan oo kale 17 Feberaayo 2016 waxa ay uga soo furteen Kooxaha Burcadda ah James Gajumbo oo la shaqeynayey haweeneydan.

Haweeynada xalay la soo furtay iyo ninka la shaqeynayey ayaa koox burcad ah laba sano ka hor ka afduubteen deegaanka Docoleey, waxa ayna xiligaas u yimaadeen howlo caafimaad la xariira.

Goordhow filo muuqaalo iyo warbixino dheeraad ah.

2 thoughts on “NISA oo soo furtay Haweeney Kenyaan ah oo lagu heystay Koofurta Mudug

Comments are closed.