Cadaado: Maxaa ka cusub khilaafka Madaxda Sare Galmudug?

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Sare dowlad goboleedka Galmudug ayaa gaaray Meel sare, waxaana xildhibaanadii Xamar ka yimid ku guul dareysteen in ay xaliyaan khilaafka xargo goystay, Xildhibaanada Galmudug ayaa kala taageersan labada kooxood, waxaana shalay Magaalada Cadaado ku shiray Xildhibaanada ka soo horjeeda Madaxweyne Xaaf, iyagoo ku eedeeyey in Xildhibaanada Federaalka ah ee Cadaado ku sugan ay hurinayaan colaad iyo burburinta Galmudug.

Dhanka kale waxaa saacadihii ugu dambeeyey Cadaado ka socday diyaarinta mooshin xilka looga qaadayo gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug oo 6 maalmood ah ku xayiran Madaxtooyada, maanta ayaa la filayaa in xildhibaanada taageesan Xaaf ay xil ka qaadis ku sameeyaan Cali Gacal gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug.

Arinta ayaa u muuqata in ay faraha ka sii baxayso, Senator Cabdi Qeybdiid iyo qaar ka mid ah Odayaasha deegaanka ayaa ku guuleystay in dhammaan ciidamadii ka yimid Galkacyo ay ka saaraan Magaalada Cadaado, arintaas oo hoos u dhigtay xiisadda, ciidamadan oo markii horey gurmad ugu yimid labada garab ee isku haya siyaasadda Galmudug.

Odayaasha Cadaado ayaa isku dayaya in aan colaad ka dhicin magaalada, iyagoo isku dayaya in ay xaliyaan khilaafka, inkastoo khilaafku u muuqdo mid  xargo goystay. xildhibaanada ka socda Federaalka ayaa qeyb ka mid ah Garabyada isku haya siyaasadda Galmudug u arkaan in ay hal dhinac taageersan yihiin, iyagoo ku eedeeyey in ay doonayaan in Xaaf kursiga ku fadhiyo, halka ay Cali Gacal kursiga ka tuurayaan.

Garoonka diyaaradaha Cadaado ayaa laga soo qaaday ciidmadii daraawiishta ee xoojinta loo geeyey, waxaana suurtagal ah in dib u furmaan duulimaadyada ka imaanaya Muqdisho. Jawiga guud ee Magaalada ayaa dagan, waxaana kaliya ee aad arkaysaa waa shirar siyaasadeed iska soo horjeeda iyo taageeryaal xamaasadeysan.