Raila Odinga iyo Taageerayaashiisa oo soo dhaweeyay go’aan kii Maxkamadda sare ee Kenya

Wararka Maanta

Hoggaamiyaha ugu weyn ee mucaaradka Kenya ahna Musharaxii u tartamayay doorashadii 8 August Raila Odinga ayaa soo dhoweeyay go’aanka ay Maxkamadda sare ee Kenya ku baabi’isay natiijadii doorashadii Madaxweynaha.

Raila Odinga ayaa sheegay in go’aanka Maxkamadda uu yahay mid taariikhi ah, isagoo aad ugu riyaaqay.

Waa go’aankii ugu horeeyay ee noocan ah ee Afrika laga arko” ayuu yiri Raila Odinga oo dhowaan Maxkamadda sare u gudbiyay dacwad ka dhan ah natiijadii doorashada uu qaadacay.

Mr Odinga ayaa sheegay inuu dacwad ku soo oogi doono Guddiga doorashada Madaxweynaha Kenya ee IEBC.

Go’aanka Maxkamadda sare ee Kenya ayaa ka dhigan in dib loogu celinayo doorashada Madaxweynaha, waxaana ay amartay in muddo 60 cisho gudahood la qabto doorasho ku celis ah.

Taageerayaasha Raila Odinga ayaa isugu soo baxay goobaha ay ku xooggan yihiin waxaana ay soo dhoweeyeen go’aanka Maxkamadda sare