Waa Immisa tirada Ciidanka , Gaadiidka & Hubka NISA ee lagu wareejiyey Booliska?

Wararka Maanta

Warqad kasoo baxday xafiiska Agaasime kuxigeenka Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin ayaa waxa uu ku cadeeyey¬† tirada Ciidamada NISA iyo gaadiid dagaal ee lagu wareejiyay Booliska .

Tirada Ciidamada la wareejiyay ayaa gaaraya 1,522 oo ah Ciidamo hubeysan iyo 206 dharcad ah, sidoo kale tirada hub iyo gaadiid ee la wareejiyay ayaa kala ahaa 13 gaadiid cabdibile saaran yahay qori iyo 12 cabdibile dul banaan ah.

Qoraalka ayaa waxaa ku xusnaa inuu hubka iyo ciidanka wareejiyay Agaasime kuxigeenka NISA oo xilliga la wareejiyay ahaa Kusimaha Agaasimaha iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Jen. Bashiir Cabdi Maxamed.

halkaan hoose ka aqriso warqadda