Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo xog-ogaal waxaa la filayaa in ay dalka imaaraatka carabta ku kulmaan Madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Puntland, dowlad imaaraatka ayaa dhexdhexaadin doonta labada masuul, waxa ayna ka wada hadli doonaan sidii loo dhameyn lahaa colaadda ka aloosan magaalada Galkacyo, oo Galmudug iyo Puntland isku farasaareen.
Kulankan ayaa waxaa goob joogayaal ka noqon doona Shariif Xasan Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland, iyo Cali Cosoble Madaxweynaha Hir-Shabelle, waana markii ugu horeysay ee labada masuul waa Gaas iyo Guuleed ay is hor fadhiisteen sidii ay u bilaabatay colaada Galkacyo.
Labada Masuul ayaa sanadkii hore heshiis ka gaaray dagaal ka dhacay Galkacyo, inkastoo uusan fulin heeshiiskaan, waxaana muuqata in xalinta colaadda ay ku guuldareysteen madaxda Soomaaliya, waana markii ugu horeysay oo xalinta colaadda Galkacyo loo aado dalka dibadda ah.
Comments are closed.