Daawo: Haweyneydii ay soo badbaadiyey Ciidanka Nabad sugidda Galmudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Ciidamada Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka qeybta ka howlgala Galmudug oo xalay abaara 4:00 Am saqda dhexe howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyey magaalada Camaara oo 200 km u jirta magaalada Cadaado ku soo badbaadiyey haweeyney u dhalatay dalka Kenya oo lagu magacaabo Loise Njoki Weru, waxaana muddo laba sano ah heystay kooxo burcad ah oo ka afduubtay degaanka docoleey ee duleedka Cadaado.

Ciidanka NISA ayaa bishii Feberaayo soo badbaadiyey nin lagu magacaabo James Gajumo, waxaana xiligaas burcadii la fakadeen haweeynaydaan, balse ciidanka ayaa xalay ku guuleystay in ay soo badbaadiyaan, Taliyaha NISA qeybta Galmudug Gaashaanle Sare Saadaq Cumar ayaa inoo sheegay in aysan jirin wax khasaare nafeed ah oo howlgalka ka dhashay.

Loise  oo saxaafadda la hadashay ayaa tiri : “Waxaan ahay Kenyaati, Burcad badeed ayaa  iheysatay labo sano,  Waa dad aan bini aadanimada wax ka aqoon, qiimo uma lahan nolasha qofka, ma ilaaliyaan xuquuqda qofka, ma ahan dad naxaya, inkasta oo aan nabad qabo, Alle ayaan uga mahad celinayaa iyo dowlad goboleedka Galmudug oo isoo badbaadiyey, Hadda waxaan la joogaa dowlad goboleedka Galmudug,Kuwaas oo isku howlay in ay iga soo badbaadiyeen kooxdii i haysatay labada sano”.

?

?
?
?
?
?
?
?
?

?

4 thoughts on “Daawo: Haweyneydii ay soo badbaadiyey Ciidanka Nabad sugidda Galmudug

Comments are closed.