Wararka naga soo gaaraya degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa waxa sheegayaan in Saaka nin ka mid ah dadka kunool Guriceel in uu Gowracay Xaaskiisa.
Ninka Falkaasi Naxdinta Badan geystay waxaa lagu Magacaabaa Maxamed Xaaji Cabdi Siyaad ,waxaana uu bireeyay Xaaskiiska oo u dhashay 7 Carruur ah.
Ninka ayaa la sheegay in Madaxa looga jiray.
Haweenayda la gowracay waxaa lagu magacaabi jiray Canab File.
Ciidamada Ahlusunna ayaa gacanta ku dhigay ninkii Falkaasi geystay ,waxaana ay dhigeen Xabsiga.
Dhacdooyinka nuucaan ayaa waayadan kusoo badanayey gobolada dalkeena, waxaana todobaadkii hore gabar 7 jir ah lagu gowracay magaalada Cadaado, waxaana dhacdadaas foosha xun ciidamada Amnigu usoo xireen laba dumar ah oo wali xabsiga ku jira.