In ku dhow 10 qof ay ku nafwaayey Qarax saacad ka hor ka dhacay wadada hormarta Hoteelka Wehliye ee Magaalada Muqdisho , sidoo kale dhaawacyada ayaa intaa ka badan.
Qarax oo aad u xoogana wuxuu ka dhacay Irida Hotelka Wehliye ee Magaalada Muqdisho, kadib markii gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay halkaasi la dhigay.
Gaadiidka gurmadka ayaa goobta ka qaaday dhaawacyada, iyagoo geeyey isbitaalada Madiina iyo Benaadir.
Qaraxan ayaa noqonaya kii labaad ee maanta ka dhaca magaalada Muqdisho, saaka ayaa gaari caasi ah ku qarxay albaabka xerada ciidamada warshada Nacnaca.
Falalka amni darro ayaa kusoo badanaya Muqdisho, waxaana tusbax go’ay noqday dilalalka waxgaradka iyo saraakiisha dowlada.