Cabdulqaadir Aroma: qoraagii qarniga 21AAD

Arimaha Bulshada Uncategorized Wararka Maanta

FB_IMG_1503036493526

Cabdulqaadir Aroma: qoraagii qarniga 21AAD
W/Q: Cabdiraxiim H. Galayr

Cabdulqaadir Cusmaan Aroma (AUN), waxa uu ahaa nin inta qof qoraa ah lagu tilmaami karo, hibo iyo haaneedinba Eebbe siiyey.

Buugaagta uu qorey, dhaxalka uu uga tegay faca iyo firka dambe, ayaa ah kuwo uu adeegsadey, xog ogaalnimo, farshaxannimo iyo dhaqanyahannimo qotodheer, oo aanan ku arag qof Soomaaliyeed.

Waxaa jira kooxo badan oo inta badan marka ay magaciisa maqlaan ama wax ku saabsan eedo iyo dhaliil dusha uga tuura, haba ugu badnaado inay yidhaahdaan waa QABYAALADIISTE (dhaliil aan dhab ahayn) reerkayaga ayuu wax ka qorey, magac qabiil buu xusay!

Waan garowsan lahaa, haddaanan ogeyn aqoonna aragtida uu ka qabay qof walba oo dhib geysta ama reerkiisa ha ahaado ama reer kale ha ahaadee. Ma jiraa inta uu reerkiisa ka qorey tolow cid uu ka qorey? Maya aniga dhankeyga, adigase waa kuu gaar taadu.

Qoraa sare Cabdulqaadir (AUN) cid walba oo Soomaaliyeed waxay ahayd iyo waxay lahayd wanaag iyo xumaan waa xusay, oo taas ma lagu noqdaa qabyaaladiiste?.

Wuxuu qorey buugaag si togan oo qotodheer uu ugu lafagurey dhaqanka Soomaalida. Yaa ii sheegi kara qof ama qoraa la mid ah oo ka qorey dhaqanka Soomaaliyeed dul iyo hoos inta uu ka qorey Aromo. Sidaa awgeed, ayaan ugu yeedhay Qoraagii Soomaaliyeed, ee qarniga 21AAD.

Qalin sugan, qiraal dhaba, qeexid iyo qotomin, qaabeyn iyo qadaf ka jirid ayuu wax ku qorey. Allow kuu naxariiso.