Kooxda Daacish ayaa waxa ay sheegtay in ay Weerarkii ugu horeeyay oo ay ka fulisay Muqdisho in ay ku dishay Sarkaal ka tirsan Hay’adda Nabad Suggida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.
Warbaahinta Daacish ee loo yaqaan Acmaaq ayaa lagu daabacay in dabley ka tirsan Kooxda Daacish in ay Muqdisho ku dileen Sarkaal lagu magacaabo Muxiyaddiin Amadd.
Kooxda Daacish waxa ay horay u sheegatay Weeraro ka dhacay Afgooye iyo sidoo kale Magaalada Boosaaso.
Waa Markii ugu horeysay oo kooxda Daacish ay sheegato dil loo geystay Sarkaal ka tirsan Nabad Suggida Soomaaliya.
Kooxda Daacish ayaa Sanadkii hore qabsaday magaalada Qandala ee Gobolka Bari inkastoo ciidanka Puntland ay dib uga qabsadeen.