Nin Guuraa Ah Oo Xalay Lagu Dilay Deegaanka Laan-Ballaar Ee G/Mudug ( Dhageyso)

Wararka Maanta

Wararka Caawa Ceelhuur.com Uu ka Helayo deegaano Ka Tirsan Gobolka Mudug Gaar ahaana Deegaanka Daaru-salaam Ayaa Waxa Ay Kusoo Warramayaan In Xalay Halkaasi Lagu Dilay Nin Ka Mid Ah Dadka Reer Guuraaga Ah.

Dilka Ayaa Waxa Uu Dhacay Xalay 3-dii habeenimo Waxa Uuna Si Gaar Ah Uga Dhacay Deegaan Lagu Magacaabo Laan-balaar oo hoos Tagta Deegaanka Daaru-salaam Ee gobolka Mudug.

Mid ka Mid Dadka deegaanka Oo Lagu Magacaabo Duraan Xirsi Diirshe Isla-markaana La Hadlay Ceelhuur.com Ayaa Waxa Uu Sheegay In Ninka Loo Dilay Arrimo la Xariira Guur Wallow Uu Shaki Geliyey Arrinkaasi.

Goob-joogahaan La Hadlay Ceelhuur.com ayaa Ninka la Dilay Magaciisa Kusoo Koobay Cali Af-weyne Waxa Uuna Sheegay In Meydkiisa Loo Qaaday Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug.

Marka Laga Yimaado Hadalkaan Goob-joogahaan dhinaca kale Waxaan Xariiro Aan La Sameynay dadka Ehelka U Ah Ninka La Dilay Waxa Ay Inoo Sheegeen in Aysan Hadda Diyaar U Aheyn In War-baahinta Ay La Wadaag Kiiska La Xariira Dilka Ninkaan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Goob-Joogaha:-