Wararkii ugu dambeeyay Qarax Ka dhacay Muqdisho

Wararka Maanta

Ugu yaraan 5 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qaraxii maanta ka dhacay Maqaayadda Itian oo ku dhegan Moolka Muqdisho ee degmada Xamarweyne.

Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad badan 10 qof Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen goobjoogayaal ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Goobta la qarxiyay ayaa aheyd meel Mashquul badan, waxaana Qaraxa uu ahaa gaari la dhigay goobta la dhigto baabuurta ee Muqdisho Mall.

Isbitaallada Muqdisho ayaa la gaarsiiyay dhaawacyo badan, waxaana wali socda gurmadka loo sameynaayo dadka ay waxyeelado soo gaartay.

Wali dowladda Soomaaliya kama hadlin Qaraxaan maanta ka dhacay degmada Xamarweyne.