Kulan Looga Hadlayey Xoojinta Amniga Dalka Oo Maanta Muqdisho Ka Dhacay

Wararka Maanta

Wasiirka gaashaan-dhigga Soomaaliya,mudane, Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) ayaa shir  Guddoomiyey kulan looga hadlayay ammaanka Dalka iyo sidii loo dar-dargelin lahaa howl-gallada ay Ciidamada Xoogga wadaan kaas oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Kulankan uu guddoominayay Wasiirka Difaaca ayaa sidoo kale waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka wasaaradda amniga gudaha, Maxamed Abuukar Isloow,taliyaha Ciidanka xoogga Dalka Jen, Daahir Aadan Cilmi, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen; Bashiir Cabdi Maxamed, xubno ka tirsan wasaaradda caddaaladda, Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Amb; Francisco Madeira, Xubno ka socday Midowga Yurub iyo saaxiibbada Soomaaliya.

Wasiirka difaaca Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (ammar-dambe), ayaa sheegay in ay xubnahaasi ka wada hadleen sidii loo dar-dar gelin lahaa howl-gallada ay Ciidamada xoogga Dalka ka wadaan Gobalada Dalka .

Intii uu kulanka socday ayaa waxay Labada dhinac qiimayn ku sameeyeen horumarka laga gaaray xagga ammaanka Dalka, taasoo qayb ka ahayd qodobbadii kasoo baxay shirkii May 2017-kii ka dhacay Magaalada London ee Dalka Ingiriiska.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa sheegay inay waqtigan Ciidamadu howl-gallo ka wadaan Gobollada Shabeellada dhexe, Shabeellada hoose iyo Hiiraan, iyagoo garabsanaya AMISOM, halkaasoo ay guulo la taaban karo kasoo hooyeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.