Maxaa Looga Hadlay Kulankii Golaha Wasiirada Ee Maanta?

Wararka Maanta

Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya Oo Maanta Kulankoodii Khamiislaha Ahaa Ku yeeshay Magaalada Caasimadda Ah Ee Muqdisho Waxa Ay kaga Hadleen Arrimo La Xariira Xaaladda Guud Ee Dalka.

Kulanka Golaha Wasiirada Oo Uu Shir Guddoominayey Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Abuukaate mahdi Max’ed Guuleed Ayaa Waxa Si Gaar Ah loogaga Hadlay Barnaamijka Is-xilqaan Oo Lagu Dhisayo xarumaha Danta Guud Ee Dalka Isla-markaana Ay Hormuud Ka Yihiin Madaxda Ugu Sareysa Dalka.

Wasiiru Dawlaha Xaafiiska Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Soomaaliya Oo War-baahinta la hadlay ayaa Sheegay In barnaamijka Is-Xilqaan Ay kaalin Buuxda Ka Qaadanayaan Ganacsatada Soomaaliyeed.

Wasiiru Dawluhu Waxa Uu Xusay In Hadda Gacanta Lagu hayo Labo Milyan Oo Dollar taas Oo Ay bixiyeen Muwaadiniinta Soomaaliyeed Si Loogu Dar-dar geliyo barnaamijka Is Xilqaan.

Sidoo kale Kulanka Ayaa Waxaa Lagu Lafa Guray Xaaladda Amni Ee Guud Ahaanba Ee Dalka Gaar ahaana Tan Magaalada Caasimadda Ah Ee Muqdisho Si Shacabka Reer Muqdisho Ugu Noolaadan Nabad-gelyo Buuxda.