Nin Baraha Bulshadda ku dhaliilay Muuse biixi oo xukun lagu riday

Wararka Maanta

Magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland ayaa waxaa Maxkamad halkaasi ku taalla ay xukun ku riday Qoraa Maxamed Keyse Maxamuud oo lagu eedeeyay aflagaaddo liddi ku ah Somaliland.

Maxakamada Gobolka Hargeysa ayaa Maxamed Kayse Bigeeye ku xukuntay  hal sano iyo lix bilood, ka dib markii bogga uu ku leeyahay Facebookga uu ku soo qoray erayo ka dhan ah madaxweynaha Somaliland.

Maxamed Kayse Biggeeye ayaa la sheegay in xarigiisa iyo xukunka lagu riday uu ka danbeeyay ka dib markii uu boggiisa facebooku soo qoray erayo ay ka mid ahaayeen “Madaxweynaha Somaliland Waa Local” waxaana in muddo ah uu ku jiray xabsiga.

Ma jiro war rasmi ah oo intii uu xabsiga ku jiray xukuumaddu ay ka soo saartay, hasayeeshee  ayay maxkamadu xukunkaasi ku riday.

Shalay maxkamad ku taalla magaalada Hargeysa ay saddex sanno oo xarig ah ku xukuntay Niciima Axmed Ibraahim oo ka mid ah halabuurka dhallinyarada ah, taas oo lagu eedeeyay aflagaaddo ka dhan Somaliland.