Shirkadaha Daallo iyo Jubba oo war kasoo saaray arrimaha Xajka

Wararka Maanta

Shirkadaha Duulimaadyada Jubba iyo Daallo ayaa soo saaray warsaxaafadeed ay kaga hadlayaan eedeymo muddooyinkii u dambeeyay loo jeedinayay.

Labada shirkadood ayaa sheegay in mas’uuliyiin xasaanad leh ay ka been abuuraan shirkadda, maadaama lagu eedeeyo inay dhaqaalo badan ka qaadaan dadka xujeyda ah.

Aqalka sare ayaa dhawaan su’aalo arimaha xajka ku aadan weydiiyay wasiirkii Diinta iyo awqaafta, Waxaana kadib ay dalbadeen in tartan laga dhigo shirkadaha duulimaadyada xajka.

Warsaxafadeedka ayaana u qornaa sida Hoose:-

  WAR SAXAFADEED: KU AADAN ARIMAHA XAJKA 

Anagoo ah shirkaddaha Jubba Airways iyo Daallo Airlines waxaan dadka Somaliyeed usoo bandhigayna arimo dhowr ah:

  • Dadaalka iyo doorka ay labadda shirkadood ka soo qaateen samata bixinta iyo u adegida ummadda Somaliyeed mudadii ku dhowayd 30 sano ee wadanka iyo dadku ku jireen marxaladaha adag iyo duruufaha qalafsan.
  • Sida shirkaduhu u joogteeyeen gudashadda Xajka iyo Cimradda, howshaana uga so bexeen si hufan iyo si ceeb la,aan ah oo cid kasta oo caqli fayoow oon ujeedo kale lahayn ay qirtay kana markhaati kacday
  • Shakhsiyaad qaarkood oo  masuliyad iyo xasaanad qaran leh oo war ay kaga been sheegayaan xaaladda dhabta ah ee shirkadduhu u fuliyaan shaqadda Xajka ku baahiya warbaahinta, iyado ujeedadooda dhabta ahi ay tahay (KU QABSO KU QADI MAYSIDE).
  • Shirkaddo iyo dilaaliin aan haysan awood iyo fasaxyo ay ku fuliyaan adeega iyo dulimaadyada Xajka iyo kuwa kale ee calamiga ah kuwaas oo raba in si khasab ah howlahas 27ka sano shirkaduhu maal iyo tacaba usoogelinayeen in si howl yar lo siiyo. iyaga oo isticmaalaya wax kasta oo laga xishoodo

Waxaan si  kooban u faah faahinaynaa qodobadda kor ku xusan:

  1. Haddii lagu sheegi wayo waa lays sheegaa. Qof kasta oo somaliyeed waa ogyahay doorka shirkaddaha Daallo iyo Jubba kasoo qaateen , samata bixintii iyo kasoo kabashadii burburkii ku dhacay dadka Somaliyeed meel kastaba ha joogeene. Adeega dulimadyada ee rakaabka iyo shixnadaha, gudashada wajibaadka Xajka iyo Cimradda. Waxay labadda shirkadood qayb libaax ka qateen oo tariikhda ku cad:-

A- kobcinta dhaqalaha iyo shaqa abuurka dadka
B-waxbarashada
C- Caafimaadka.
D- siyaasadda iyo dib udhiskii dowladnimo

  1. Sidookale shirkaduhu waxa ay kusoo shaqeeyeen marxalado aad uadag oo qatartooda leh iyaga oo kuwaayey xubno sar sare oo laf dhabar uahaa iyo  hanti aan lasoo koobi karin

  2. Shirkaduhu waa dhaxal umadeed, waxaa wajib ah in siyasadda dalku ilaaliso oo dhiiri geliso markasta. Waxaanu ku dardaarmeynaa qof kasta oo masuul ah iyo dowladduba in tacabka laga mira dhaliyay ee la joogteeyay mudada dheer la garab istaago, kuwa cusubna loo abuuro jawi iyo duruufo ay ku hirglaan.

  1. Waxaanu ummadda Somaliyeed iyo cid kasta oo danaynaysa arimaha Xajka iyo Cimradda manta halkan ugu cadaynaynaa, iyadda oo shirkaduhu ku shaqaynayeen xalad qalalase oo mararka qaar galaafatay naf iyo maal , shirkadahana gaarsiiyay dhawacyo iyo dhibatooyin laf jab ah,taas oo jirta ayey shirkaduhu howsha uga soo baxeen si hufan oo ceeb la’aan ah. wasaaradda Xajka ee boqortooyada Sucuudigu waxay qirtay in Somaliddu ka horumarsantahay xagga adeega Xajka dalal badan oo dhaqaale iyo maamul dowladeed oo adag leh. Waxana amaantaa leh, Wasaaradda Diinta iyo Awqafta ee somaliya, Safaradda, qunsuliyadda, bicsadda, iyo shirkadaha oo iska kashaday. Waxaan idiin soo ban dhigidoonaa insha alaah shahado sharaf aykumuteysteen   howl wanaagii ay muujiyeen shirkadaha Somaliyeed.
  2. Waxaan halkan idiinku sheegayna shaqsiyaad musuuuliyad qaran iyo xasaanad leh oo ummaddu u igmatay inay ka saran halaaga iyo dhibaatada adag ee ay ku jirto inay shaqo ka dhigteen olole been abuur ah oo lagu dhabarjebinayo shirkadaha ay masuuliyaddu farayso inay tabantaabiyaan. Waxay sheegan in xujaydda aan la siin adeeg fiican, lagana qaado sicir qaali ah. Waanu beeninayna, warkooduna wa fadeexad iyo ujeedo kale iyo dano shakhsi ah. Waxa hubaal ah in baroortu orgiga ka weyntahay. (Wa ku qabso ku qadi mayside.) Wadanka Somaliya weli shirkadaha caymiska waxa uu ugu qoranyahay goob dagaal, waxaana shirkaddaha laga qaada kharash caymis oo afar jibaaran, dulimaadyadda Xajku waa dulimaadya khaas ah, sida Kenya ama dalalka kale Xujayda lama saaro dulimaadyo caadi ah (Schedule flights). Sida darted dulimaad kasta oo xaji waa laba jeer ( Two Rotations). Shidaalku wa qaali, kharashaad dul saar ah oo badana wey jiraan. Sucuudigu sanadba sanadka kadanbeeya waxaa kordha kharashaadka xajka, kirooyinka iyo maceeshadda oo dhan. qofkii xogogaal uahi wuu ogyahay sicir bararka iyo samaynta barnaamijka Sucuudigu ka leeyay Xajka iyo Cimradda oo si gaar ah usoo kordhiya kharashaad joogto ah,iyada oo ay jiraan duruufahaas shirkaduhu waxay ku dadalayaan in sida ugu jaban ee surta gal ah Xujeyda ayugu shaqeeyaan.
  3. Shirkaddo iyo dilaaliin aan haysan awood iyo fasaxyo ay ku fuliyaan adeega iyo dulimaadyada Xajka iyo kuwa calamiga ah oo raba in si khasab ah howlihii 27ka sano shirkaduhu maal iyo tacaba geliyeen in si howl yar lo siiyo. Shirkado iyo dilaalin isticmalaya wax kasta oo laga xishoodo. Waxay siyasadeeyeen oo ka been abuureen xaladda rasmiga ah ee Xajka. iyaga oo dadka usheegaya hadalo xaqiiqda kafog abuurayana qal qal iyo deganaansho la,aan.Ma jirto cid gaar ah oo Xajku u xiranyahay, shirkad kasta oo muwadin ah oo buxin karta shuruudaha dulimaadka, iyo heshiisyada caalamiga ah. Lehna taarikh iyo rikoodh howl fulineed iyo aminaad. Waxa ufuran kaqeybgalka tartanka howlaha xajka. waxaa xaraan ah in si anshax xuma ah oo nidaamka baal marsan lagu burburiyo shaqo dhisan oo lagu tabcay duruufo adag.

NB:  Waxa lacag meyrista loola dagaalama si tacbka iyo dadaalka soo jireenka ah aan si fudud loogu burburin nidaam aan haboonayn iyo lacag aan dariiqii saxda ahaa lagu kasbin

Gabogabo:

Jubba iyo Daallo waxay balan qadayaan iyaga oo kaashanaya dowladda, shacabka iyo shirkadaha kale ee Iyana ku howlan adeega iyo u khidmaynta xujeyda Somaliyeed ee gudanaya wajibaadka Xajka ugu adeegayaan sida ugu fiican uguna surtagalsan , si  naxariis iyo uturidi  ku jiro

 Wabillaahi towfiiq