MD Farmaajo oo gaaray Addis Abeba (Sawirro)

Wararka Maanta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa gaaray Addis Ababa ,iyadoo halkaas uu ku soo dhaweeyay Ra”iisul Wasaaraha Itoobiya.

Muddane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo la yeelanaya isla maantaba Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed.

Labada masuul ayaa kawada hadi doono xoojinta xiriirka labada dal oo uu ugu horeeyo Amniga iyo guud ahaan horumarka iyo Nabadgalyada gobolka.

Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa kamid ah Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr iyo La-taliyayaal ka tirsan Madaxtooyada Qaranka.

Geeska Afrika ayaa wajahaya kala jiidasho siyaasadeed, waxaana muuqata in dowladaha itoobiya iyo eretariya ay xiriiro ay hoggaaminayaan la sameystaan dowladaha geeska Afrika.

Madaxweynaha Kenya ayaa dhawaan la kulmay Madaxda Itoobiya iyo Eriteriya, waxaana Kenya u xusul duubeysaa in si hoose loo dhameeyo in lagu wareejiyo qeyb ka mid dhul baddeedka Soomaaliya, si ay uga faa’iideysato kheyraadka dhex ceegaaga, iyadoo horey heshiis ula gashay shirkado reer galbeed ah.