Nin 4 ruux ku dilay Magaalada Washington ee Dalka Maraykanka (Sawirro)

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Nin hubeysan ayaa rasaas ku furay dad ka dukaameysanayey suuq ku yaalla magaalada Washington ee dalka Mareykanka, isaga oo halkaasi ku dilay Afar qof, mid kalena ku dhaawacay sida ay sheegeen maamulka magaaladaasi.

Goobta uu weerarkaan ka dhacay ayaa lagu magacaa Cascade Mall ee xaafadda Burling Town ee Washington.

Sarkaal lagu magacaabo Mark Francis oo ka hadlay dhacdadan ayaa sheegay in weerarkaan uu fuliyey shaqsi loo maleynayo inuu ka soo jeedo dalka Spain.

“Weli waxaan baadi goobeynaa ninkii dhacdadan geystay, dadkana waxaan ka codsaneynaa in ay guryahooda ku nagaadaan si aan howsheenna u wadanno” ayuu yiri Mark oo la hadlay warbaahinta.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa maalmo un kadib markii wiil la sheegay inuu asal ahaan kasoo jeedo Soomaali uu Mindi ku weeraray dad ka dukaameysaneyey meel suuq ah dalka Maraykanka.

9cb23e6158d8ed4e8690 38bc2e8600000578-3805102-image-a-28_1474688214071 38bc3f6100000578-3805102-image-m-39_1474690330939 38bc4fe500000578-3805102-image-a-44_1474691054708 38bc49b800000578-3805102-image-a-43_1474691047201 38bc59b600000578-3805102-image-a-45_1474691250895

Tagged

Comments are closed.