Cali Gacal ‘’ Xildhibaannadii Cadaado yimid dhaxdhaxaad kama aheyn khilaafka Galmudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa eedeyn u jeediyay xildhibaannadii labada Aqal ee dhawaan Cadaado u tagay dhameynta khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhaxgalay mas’uuliyiinta maamulka. Guddoomiyaha ayaa sheegay in xildhibaannada aysan marnaba ka run sheegin ka hadalka qodobada asalka u ah khilaafka ka taagan Galmudug.

‘’Annaga markii aan is aragnay waxaa u sheegnay qodobada leysku hayo ee markii horeba khilaafka taagan sababay, waxey noo sheegeen in aysan arintaa u imaan, laakiin ay doonayaan oo kaliya in ay dhinacyada iska soo horjeeda isku keenaan’’ ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug.

Cali Gacal Casir ayaa sheegay in xildhibaannadan aysan marnaba soo hadal qaadin go’aankii madaxtooyada Galmudug ay ka qaadatay khilaafka Khaliijka iyo xil ka qaadistii xildhibaannada baarlamaanka ay ku sameeyeen madaxweyne Xaaf oo ah labada qodob ee ugu weyn khilaafka taagan,

Dhinaca kale guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug ayaa meesha ka saaray eedeynta loo jeedinayo dowladda federaalka ee ah in ay faragalin ku heyso siyaasada Galmudug.

‘’Dadka in la marin habaabiyo ma’ah, khilaafkan waa mid u dhaxeeya mas’uuliyiinta Galmudug ma’aha eedeynta in meel aysan jirin lala aado, ma jirto wax saameyn ah oo dowladda federaalka ay ku leedahay arimahan’’ ayuu yiri Cali Gacal Casir.

Xildhibaannadii labada Aqal ee dhawaan tagay Cadaado ayaa war ay soo saareen ku sheegay in uu guuldaresytay dadaalkii ee dhinacyada isaga soo horjeeda Galmudug waxaana wili taagan Khilaafka Madaxda ee Maamulkaas arintaan oo sidoo kale saamayn balaaran ku yeelatay Bulshada deegaanka sida xayiraada Diyaaradaha Shacabka ee Muqdisho ka imaanaya