MD Farmaajo oo magacaabay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir

Wararka Maanta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto Madaxweyne ugu magacaabay Mudane Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim Dheere) inuu noqdo Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Maamulka Maaliyadda Gobolka Banaadir.

“Madaxweynaha ayaa markii uu tixgeliyay waayo-aragnimada uu mudanuhu xilkan loo magacaabayo u leeyahay howlaha loo magacaabayo waxa uu soo saaray xeerkan.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay Mudane Ibraahim Dheere inuu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus, isaga oo kula dardaarmay inuu si hufan u guto waajibaadka loo igmaday.

Xeerkan lagu magacaabay Guddoomiye Kuxigeenka cusub ee Arrimaha Maamulka Maaliyadda Gobolka Banaadir ayaa ku dhaqangalay saxiixa Madaxweynaha ee Khamiistii, taariikhduna ay ku beeganayd 23ka May, 2019.

Taariikhda kooban

Ibraahim Dheere wuxuu ku dhashay magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan sanadkii 1975-kii. Waxbarasha Hoose iyo Dhexe wuxuu ku qaatay Dugsiga Axmed Warsame ee isla magaalada Beledweyne, Dugsiga Sare wuxuu ka dhigtay dalka Holland.

Shahaadada 1aad ee Jaamacadda wuxuu ku diyaariyay Culuumta Maamulka iyo Xisaabaadka, wuxuu lasoo shaqeeyay Hay’adda UNPOS, wuxuuna la-taliye sare kasoo noqday Unuggii Siyaasadda (Policy Unit) ee Villa Soomaaliya intii u dhaxeysay 2013-2015).

Ibraahim Cumar Mahad Alle waa nin reer UK ah, waxaa la sheegaa inuu ka mid ahaa taageerayaashii Madaxweyne Farmaajo, sidoo kale muddooyinkii u dambeeyay waxaa uu aad ugu dhowaa Ra’iisul Wasaare Kheyre, isagoo qeyb ka ahaa safaro dhowr ah oo Ra’iisul Wasaaruhu galay.

Waxaa uu ka mid ahaa Musharaxiintii Kursiga Xildhibaannimo ee Aqalka Hoose ee aakhirkii isaga haray doorashadii ka dhacday Cadaado sanadkii 2016, gaar ahaan Kursiga Beesha Murusade/Abokar ee uu ku fadhiyo Xildhibaan Xasan Macalin, xilligaas waxaa uu sheegay in Musharaxaas loo xareeyay Ergooyin uu watay u ahaa, kuna tilmaamay musuq maasuq iyo cadaalad daro ay sameeyeen Xubnihii Guddiga Doorashooyinka Galmudug iyo kan Federaalka.

Gudoomiye xigeenkii Xilka la qaaday Xuseen Maxamed Nuur ayaa ahaa nin awood badan ku lahaa Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana la sheegaa inuu aad ugu dhawaa Marwada Madaxweynaha Marwo Seynab Macalin, Xuseen ayaa horey u soo noqday agaasime ku xigeenka isbitaalka Digfeer magaalada Muqdisho.