Akhriso: Madaxweynaha Puntland oo Safiir u magacaabay dalka Itoobiya

Wararka Maanta

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa Safiir  u magacaabay dalka Itoobiya, Safiirkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey oo uu magacaabo maamul goboleed.

Wareegtada magacaabista oo ka soo baxday Xafiiskiisa Madaxweynaha Puntland ayaa lagu sheegay in Xeer Madaxweyne lagu magacaabay Sureer Abshir Muuse oo noqon doonta Safiirka dowladda Puntland u joogta Itoobiya sida lagu yiri qoraalka.

Arrintan ayaa ah mid ka hor imaaneysa diblomaasiyada caalamiga ah in Maamul goboleed ka mid ah dowladda Federaalka in Safiir u magacaabo dal kale sidii dowlad oo kale.

Sidoo kale waxy arrintan daboolka ka qaadeysa qorshaha dowladda Itoobiya kaga aadan maamul goboleedyada ee ah inay mid walba gooni ula macaamisho, isla markaana tani tusaale cad u tahay kala qeybinta Soomaaliya.

magacaabis-safiir