Muxuu Xaaf ku qoonsaday Qaar ka mid ah Xildhibaanada Federaalka?

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Warsaxafadeed xalay kasoo baxay Madaxtooyada Dusmareeb ayaa lagu sheegay in qaar ka mid ah wasiirada iyo Xildhibaanada Federaalka ayaa wadaan faragelin iyo burburin ay ku hayaan Maamulka Galmudug sida lagu sheegay warsaxaafadeedkan.

Wasiir Axmed Qoorqoor, Xildhibaan Xuseen Iidow, Senator Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer), iyo Senator Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey) ayaa ah Masuuliyiinta Xaaf ku eedeeyey in ay maamulkiisa burburinayaan, Hadaba Maxaa keenay eedeynta Xaaf?

  1. Xaaf oo ay baqdin ku abuurtay xildhibaanada Galmudug ee kusoo qulqulaya Cadaado, isagoo oo ay u muuqato in uusan baajin karin in halkaas Madaxweyne cusub ee Galmudug lagu doorto, taas oo soo afjaraysa riyadii uu ku jiray oo ah inuu CabdiWali Gaas kursiga ku heyn karo.
  2. Senator Dhagdheer iyo Senator Dhagey oo ka mid ahaa guddigii Aqalka Sare ee dhawaan tagay Dusmareeb, iyagoo warbixin quus ah ka gudbiyey Xaaf iyo Xertiisa, iyagoo sheegay in halkaas aan dowladnimo ka jirin, Galmudugna la ceymiyo.
  3. Sidoo kale Senator Dhagey oo gaadiid uu lahaa oo bilowgii sanadkaan uu geeyey Dusmareeb ayaa Shalay dib loogu soo celiyey Cadaado, Gaadiidkan ayaa ah gaari Nuuca aan Xabaddu karin iyo laba Cabdibile oo Madaxtooyada Dusmareeb isticmaalayeen.
  4. Sidoo kale warsaxafadeedkan ayaa Xaaf ku muujinayaa in beelo gaar ah burburinayaan Maamulka Galmudug, isagoo doonaya inuu kala jabiyo waxgaradka u taagan badbaadinta Galmudug, kadib markii ay socon waysan sheekadii Farmaajo iyo Kheyre ayaa Galmudug burburinaya.