DHAGEYSO: R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/wali sheekh oo ka hadlay Howlgalka AMISOM

Wararka Maanta

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa sheegay in Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ee jooga Soomaaliya ay ku guul dareysteen Sugidda Amniga iyo Nabad ku soo daabulida Soomaaliya.

C/wali Sheekh Axmed Maxamed Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka AMISOM Soomaaliya ay ku sugan yihiin mudo ka badan 10 sano, welina aysan wax muuqda ka qaban Amni darada ka jirta Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale Dowladda federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay dib u dhis ku sameyso qeybaha kala duwan ee Ciidanka Soomaaliya si looga maarmo Ciidanka AMISOM.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa ugu dambeyn sheegay in muhiim ay tahay in Dalka xilligan amnigiisa uu ahaado mid la isku haleyn karo.

HOOS KADHAGEYSO CODKA RAYSUL WASAARIHII HORE

Comments are closed.