Senetarada KGS Ku Matala Aqalka Sare Ee Dallka Oo Ka Digay Dib U Dhac Ku Yimaada Doorashada Maamulkaasi. (Dhageyso)

Wararka Maanta

Qaar Ka Mid Ah Xildhibaanada Baarlamanka Aqalka Sare Ee Dalka Isla-markaana Deegaan Doorasho Ahaan Kasoo Jeeda Ayaa Waxa Ay Farriin U Direen Madaxda Iyo Shacabka Ku Dhaqan Deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya.

Xildhibaanadan Waxa Ay Tilmaamay Muhiimadda Ay Leedahay In Si Wadajir Ah Loo Ilaaliyo Nabad-gelyo Iyo Xasiloonida Guud Ahaanba Deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo Kale Xildhibaanada Ayaa Waxa Ka Hadlay Arrinta La Xariirta Doorashada Madaxtinimo Ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Taas Oo Lagu Wado In Ay Dhacdo Bisha Soo Aadan Ee November.

Waxa Ay Dalbadeen In Si Deg Deg Ah Loo Soo Magacaabo Guddiga Doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Si Doorashadu Ugu Dhacdo Waqtigii Loo Asteeyey.

Hoos Ka Dhageyso Codka Oo Dhameystiran:-