Muqdisho: Dab ka kacay Suuq Bacaad

Wararka Maanta

War deg deg ah oo haatan nagasoo gaaray ayaa sheegaya in dab xoogan uu ka kacay suuqa labaad ee ugu weyn Muqdisho ee Suuq Bacaad.

Dabckan ayaa qabsaday qeyb kamid ah Suuq Bacaad oo ku yaalla degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, waxaana haatan la arkayaa uurada iyo holaca ka dhashay dabkaas.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in dabkan uu saameyn xoogan ku yeeshay suuqyo badan oo ku yaalay halkaas.

Sababta dhalisay Dabka ma cadda waxaana la sheegay inuu ka bilowday qeybta Sarifka ee Suuq Bacaad.

Dadaallo lagu deminayo dabka ayaa durba bilowday, iyadoo gaadiidka dab damiska ay xilligan gaareen halka dabku ka socdo.