Waa kuma wasiirka Diiday dhiibistii Qalbi dhagax?

Wararka Maanta

Golaha wasiirada dowladda Federaalka Soomaaliya oo shalay kulan deg deg ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa kasoo saaray in dowladdu ku saxneyd dhiibista Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi dhagax, uuna qalqal ku hayey amniga dalka.

Sidoo kale Golaha ayaa isku raacay in ururka xornimo u dirirka ONLF u aqoonsadeen urur Argagixso, hadaba Shirkaas kadib ayaa waxaa soo shaac baxay in doodii kulan Golaha Wasiirada oo uu shir gudoominayey Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre, in Dr Maryan Qaasim Axmed Wasiirka Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ay aheyd wasiirka kaliya ee si cad u diiday go’aanka Golaha.

Dhanka kale waxaa codeyntii go’aankii golaha wasiirada ka aamusay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomaar) iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federalka iyo dib u heshiisinta, Cabdi Faarax Saciid (Juxa).

Dowladda Soomaaliya oo laga filayey in ay raali galin ka bixisay falka guracan ay ku dhiibeen halgamaa Qalbibdhagax ayaa soo saaray go’aan u muuqday qar iska tuurnimo.

Ninkii Tiin talaala iyo kii Timir beeraba Taariikhdu way Qori.