Maydadka labo Nabadoon oo laga helay Ceel-Waaq

Wararka Maanta

Wararka  naga soo gaaraya degmada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in la soo dhigay meydadka labo nabadoon oo laga afduubtay degmada Ceel-Waaq.

Oday dhaqameedyadan oo magacyadooda lagu sheegay Cabdiraxmaan Ugaas Cali iyo Aadan Macalin Caliyoow ayaa waxaa guryahooda kala baxay rag hubeysan sida uu saxaafada u xaqiijiyay guddoomiyaha degmada ceel-waaq Ibraahim guuleed  Aadan waxaana uu intaas ku daray in odayaasha lagu dilay meel suuq ah,isagoona Dilkaasi kuu eedeeyay inay kadambeeyeen ururka Al-Shabaab.

Degmada Ceel-Waaq ayaa hore loogu diley saraakiil  ka tirsan ciidamada dowlada iyadoo dhowr jeer ay gacan ku haynta degmadaas ay la wareegeen ur