Dowladeena ayaa na dhihi doonta Ninkaas ayaa isi soo dhiibay

Wararka Maanta

Waa murugo iyo caloolxumo dhiibista halgamaa C/Kariin Sheekh Muuse Qalbidhagax, arintaan ayaa kicisay shucuurta shacabka Soomaaliyeed, waa dhaqan lagu yaqaanay hogaamiye kooxeedyadii. Marnaba shacabku kama fileyn Madaxweyne Farmaajo dhaqankaan.

Balse waxaaba kasii daran in Madaxda Qaranku ka aamusaan arintaan, iyagoo awoodi waayey in ay shacabka la wadaagaan waxa ay ka og yihiin tacdiga lagula kacay muwaadinka. Waa foolxumo kale marka dowladeenu dhaqaale iyo juhdi ku bixisay in ninkaas lugaha iyo gacmaha ka xiran la yirahdo wuu isi soo dhiibay.

Ilo xog-ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyey in Madaxda Qarannku dajiyeen talaabooyin ay isleeyihiin waad kaga fakan kartaan wajiga gabaxa ay kala kulmeen dhiibista Qalbi dhagax, waxaana ka mid ah:

1. In itoobiyo jirdil iyo daroogeyn ku sameyso Cabdikariin Sh. Muuse, kadibna laga duubo muuqaal uu ku qiranayo inuu isi soo dhiibay.

2. In hanjabaad iyo weerar loo geysto cidkasta oo ka hadasha arinta dhiibista C/kariin.

3. In lacag la siinayo kooxo dacaayad u sameeya Madaxda Qaranka, si loo qaboojiyo shucuurta Shacabka Soomaaliyeed.

4.Iyo xil ka qaadista Madaxda Ammaanka sida Taliyaha NISA Sanbaloolshe iyo saraakiil kale. Si loo afjaro kiiskaan. Iyadoo Taliyaha la siinayo dhaqaale.

Isku soo duuboo dowladeenu waxa ay naga gadeysaa in C/kariin Sh. Muuse isi soo dhiibay, inagoo aragnay muuqaal uu gacmaha iyo lugaha ka kiinadeysan yahay.