MD Cali Guudlaawe oo ku wajahan Beledweyne

Wararka Maanta

Magaalada Beledweyne xarunta gobolka Hiiraan ayaa gashay xaalad kacsanaan kadib markii Waddooyinka magaalada gaar ahaan wadada isku xirta garoonka diyaaradaha iyo xarunta ciidamada Lamagalaay xalay lagu xirey ciidamo isugu jira Gorgor iyo kuwa Booliska Haramcad.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa la filayaa in uu maanta safarkiisii ugu horeeyey ku tago Magaalada Beledweyne.

Safarka Cali Guudlaawe ee magaalada Beledweyne ayaa hore dhowr jeer dib u dhac ugu yimid, sababo la xiriiray kacdoono looga soo horjeeday imaatinkiisa oo ka jiray magaalada.

Dhanka kale Hoggaamiyaha Golaha Kacdoonka Gobolka Hiiraan Genaraal Abuukar Xuud oo xalay shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka digay booqashada Madaxweynaha Hirshabelle ee magaalada Beledweyne.