Hanti Dhawr QARAN oo qiiro qol ugu QABBIRAN!

Wararka Maanta

Hanti Dhawr QARAN oo qiiro qol ugu QABBIRAN!

Xilalka dawladda laga qabto waxay isugu jiraan, mid ku yimaad aqoon iyo aqool “xilfarsamo”, mid ku yimaad awood qaybsi qabiil “xil beeleed”, mid ku yimaad dariiqo “xil diimeed” iyo mid ku yimaad dano shisheeye “xil daneed!”

Dr. Nuur Faarax, wuxuu ka mid yahay dadka fara ku tiriska ah, ee aqoontooda iyo tayadooda farsamo looga maarmi waayey, in xilkaa sare, haddana culus loo dhiibo.

Xilka uu hayo, in kasta oo xiisad lagu abuuray, waxaa u magacaabay Golaha Shacabka, oo ka duwan xilalka ay magacaabaan Madaxweynaha, Golaha wasiirrada ama wasiirraduba.

Sidii uu Wasiir Siraaj ugu dhintay shil kama’ ah, Eebbe ha u raxmadee, waxaa reero QIIRO is ku la qayliyeen, in qaladka dhacay, oo ka mid ah qayb nololeedka magaalada Muqdisho, in Hanti Dhawrka QARANka Dr. Nuur Faarax xilka laga qaado, oo sida muuqata hordhac ahaan u qabsantoontay, haddii aan la is ka qabanna dad badan galaafan doonta.

Dilka dhacay, in badan baa ka xumaatay, ugana xumaatay, in wasiir la dilay, may wiil dhallinyaro ah! Alla maxaa wiil dhallinyaro ah maalingashaw degaanka Soomaali loogu dilaa maalaa yacni, haddana, aan sidan oo kale looga qiiroon, loogana qiilsan? Geeri ka la GOBSAN!

Saddaxda eed ee Hanti Dhawrka QARANka Dr. Nuur Faarax ay u soo jeediyeen guddiga madaxa bannaan waxay ka la yihiin;

1/ gurmad la’aan; adi qof aad dhimaal ugu gaysatay, in uu dhib kugu soo wado, gargaar ma u fidin leheed? Maangal ma tahay? Laab la kac iga daa!
2/ been buu sheegay; maxkamadda aa ka la caddaynayso, haddii ayba jirto.
3/ hubka sharcidarrada ah; ii dheh siyaasadeed iyo been fakatay u badi!

Intaa ka dib, Hanti Dhawrka QARANka Dr. Nuur Faarax, yaa xilka ka qaadi kara? Sida “Dastuurku dhigayo “DALTUURKII CABDI XOOSH” waxaa looga qaadi karaa oo kali ah; 1 geeri. 2 xil gudasho la’aan. 3 caafimaad darro. 4 fal dambiyeed. 5 istiqaalo uu qoro. 6 ku taker fal awood. 7 marka uu waayo kalsoonida Golaha Shacabka! Kaliya marka Barlamaanka la horgeeyo, ee ay ansixiyaan, ayaa madaxweynuhu saxiixaa, oo ay Sharci ahaan u dhaqangashaa. War wax ogaada, alalaas ayaa idin arag iyo aragti tiree!

Intan oo qodob ma ahan, kuwo aan is ka qortay, ee “DALTUURKII CABDI XOOSH” uu Mahiiga la qoray 2012 ayey ka mid tahay, haddana noo ah, is la wasiirka Dastuurka, ee reero QIIRO iyo FUDEYD, ma ogyihiin? Horta ma yaqaanniin?.

Sababta aysan xil uga qaadi karin aan xeer iyo maangal ahaan kuu tuso; xafiiska Hanti Dhawrka Qaranku, waa xafiis madax bannaan, oo wuxuu awood u leeyahay, in uu baaro is la wasiirrada, marka ma dhici kartaa, qofkii ku baarayay, in aad xilka ka qaadi kartid? Hannaanka dawladnimo maya, hannaanka huuhaada haa!

Xilka ha laga qaadee, Hanti Dhawrka QARANka Dr. Nuur Faarax, markii uu is ka diiday, ilduufka, edebdarrada, aqoonyarida sharci iyo aqoolxumada madaxda QIIRADA iyo FUDEYDKA, waxay hadda ka dhigeen maxbuus aan gurigiisa dhaafi karin! Xadgudub kale.

Ogow, Hanti Dhawrka QARANka Dr. Nuur Faarax, wuxuu leeyahay XASAANAD uusan haysan wasiirka dhintay ama Golaha Wasiirrada xilka ka qaaday, ee sidee ku dhacday, in xabsi guri degdeg looga dhigo?.

Mid kale ku daro, waxaa jira warar la is la dhexmarayo, oo sheegaya, in wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Cumar Axmad, uu shirka Golaha Wasiirrada isaga baxay, oo looga doodayey, xil ka qaadista sharcidarrada, ee Hanti Dhawrka QARANka Dr. Nuur Faarax! Macno ma samayn kartaa, maadaama ay Yuusuf is ku beel yihiin Hanti Dhawrka?.

Diidmo xil ka qaadis, ee xeer, xuquuq iyo xaqdarro ah iigu kaadiye, waxaan haynnaa, mid xeer iyo ku timid wareegto, haddana aan dhaqangelin, walina ninkii xilka laga qaaday, uu is la hawshii xilkeeda laga qaaday uu wali sii wato. May, midkii loo magacaabay xilkaa, in xil kale loo dhiibay. Maxay ka dhigan tahay? Saw ma ahan sharcigu dad gaar ah ayuu qabtaa, sharcidarrudan dad kale?

Mudanaha xil ka qaadista lagu sameeyey, ee is ka diiday xil ka qaadista, walina hawshiisa sii wata waa Maareeyaha Guud ee Garoonka Aadan Cadde Gen Cabdi Ashkir Jaamac. Aan is kiin baro, waxay qaraabo yihiin Maxamad Formaajo, ee ka warrama? Wareegtada waxaa soo saaray Khayrre, oo Illaa hadda wajigabaxaa siyaasadeed la gawriira! Allaw adaa faxan!

Marka laga soo tago, falka kama’a ku dhacay, ee uu ku baxay wasiir Siraaj, waxaa hubaal ah, in arrinta Hanti Dhawrka QARANka Dr. Nuur Faarax, ay qayb ka tahay ajandooyin siyaasadeed, oo hirgelintooda lagu hawllanaa, oo ay soo dedejisay dhacdadan.

Hanti Dhawrka QARANka Dr. Nuur Faarax, wuxuu gacanta ku hayaa faylal badan, oo hanti lunsasho, xadguxub maaliyeed, garabmar sharci oo ku aaddan heshiisyo la la galay dawlado, shirkado iyo gacansato.

Marka si loo aamusiyo, midda ugu dhaw, waa in loo adeegsado geerida wasiir Siraaj! Dadkan MAYDKA MUSUQAY, miyaa maal, mansab iyo maamuus kale ilaalinaya?.

Waxaa wax lagu qoslo ah, in maxkamadda ciiidanka qalabka siddu tiri, masuulkii ilaaladiisu ay disho qof, waxaa eedda wax ku yeelanaya is la masuulka! Waalli! Xaggee ku taal? Yaa dhigay? Dhaqan, xeer, qaanuun iyo diin tee qabta, fal aadan raad ku lahayn, ha laguu rifo?

Teeda kale, maxkamadda ciiidanka qalabka siddaa ma hay’ad fulin, sharcidejin mise garsoorbaa? Xeerka nuucan ah, waxaa soo saari kara baarlamaanka ama xukuumadda oo waa in baarlamaankuna ansixiyaa, wixii ka soo hara huuhaa iyo dareen xadid dheh.

Dareen xadid! Dawladdan sidii loo dhisay, waxay ku sii jeeddaa, sidii ay dareenka bulshada ee ay suuxsan u sii sumayn lahayd, oo xitaa mararka qaar waxay sharciga u jabshaan, si ay dareenkaa suuxsan u sii siraan! Ha la siree, intee ayey sii socon kartaa?.

Maal dhexe ayaan iri Muqdisho hal beel ayaa waxgradkooda iyo siyaasigooda lagu dulmaa! In badan oo ewelba uurka ka bukay ama ku faraxsanaa tacaddiyadaa, ayaa ii arkay, in aan qabiil hadlay! Xaashaa!

Hadda adigu macno iigu yeel, Maareeyaha Guud ee Garoonka Aadan Cadde Gen Cabdi Ashkir Jaamac, oo Formaajo ay is ku reer yihiin, marka xilka laga qaaday, oo sharci eheed, fudeydba ha ku jiree, ee uu is ka diiday, maxaan gurigiisa loogu xirin? Muxuu Illaa hadda amardiiddo iyo sharcidarro ugu sii shaqaynaya, oo waliba ah meel xasaasi ah? Halka Hanti Dhawrka QARANka Dr. Nuur Faarax, oo aysan xeer u lahayn ay xil ka qaadis ku sameeyeen, markii uu sharcidarrooda is ka diidayna gurigaaga ka ma soo bixi kartid loogu amray? Anigu wax aan aragti qabiil ahayn ii ma muuqato, oo maanka ku hay, kuwa amarka sharcidarrada ah ku filinaya Dr. Nuur Faarax kuwii dad u xigay! Adeegayaal!

Waxaa kale oo gawaari galbinaysay Formaajo ay jiireen marxuum Tahliil, labo is ka waraysatay ma aragtay? Kuwan hadda ruuxdu soo gashay xaggey jireen maalintaa?.

Diidmada Dr. Nuur Faarax uu is ka diiday duulduulka ma daganayaasha waa astaan qaran, waa xeer qoran, waa tixraac qaanuun, waa ku dhigid qodob dastuuri ah, ee yaan lagugu sirin, indhasarcaadin, sasabin QIIRO iyo FUDEYD!

Dhubuq dhubuq hore, dhabanna hays dambe ayey leedahay!

W/Q: Bashiir M. Xersi