Soomaaliya Oo Aan Wax Cod Ah Ka Dhiiban Karin Shirka Guud Ee QM+Sababta

Wararka Maanta

Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guteres waxa uu soo saaray Qoraal uu ku caddeeyey inaysan wax cod ah dhiiban Karin 4 Waddan oo aan bixin Lacagaha Qaaraanka ee ku waajibka ah  dhamaan dalalka xubnaha ka ah QM.

Qoraalka Xoghayaha Guud ee QM oo ku taariikheysnaa bishan Sept. 7-dii ayaa waxaa shardi laga dhigay inay dalalkaasi bixiyaan Lacagaha Qaaraanka ee labadii sanno ee la soo dhafaay, si loogu oggolaado inay codkooda ka dhiibtaan Shirka Golaha Guud ee QM (The United Nations General Assembly (UNGA).

Nuqul ka mid ah Qoraalkaasi ayaa lagu xusay inaysan dalalka Somalia, Comoros, Gini Bissaw iyo Jesiiradaha Sao Tome and Principe wax cod ah ka dhiiban Karin muddada uu socdo Shirweynaha 72-aad ee Golaha Guud ee QM.

Dalkeenna Somali ayaa lagu leeyahay Qaaraan Lacageed dhan 1,354,435 Dollar oo ah Qaaraanka lagu lahaa labadii sanno ee la soo dhaafay ee 2015 iyo 2016.

Sidoo kale, Jesiiradda Comoros waxaa lagu leeyahay lacag dhan 87,648 Dollar, Gini Bissaw waxaa lagu leeyahay Qaaraan dhan 46,439 Dollar, halka Jesiiradaha Sao Tome and Principe lagu leeyahay lacag dhan 779,636 Dollar.

Dhinaca kale, Golaha Guud ee QM waxa uu awood u leeyahay Fasax ay ugu oggolaan karaan dal ka mid ah dalalkaasi inuu cod ku yeesho Shirweynaha Golaha Guud ee QM, haddii la ogaado inuusan dalkaasi ku guul-daraystay inuu iska bixiyo Qaaraanka lagu leeyahay.