Cali Guudlaawe oo gaaray Beledweyne (Sawirro)

Wararka Maanta

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa gaaray magaalada Beledweyne, halkaasoo ay ku soo dhoweeyeen Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle iyo masuuliyiin kale

Ammaanka magaalada Beledweyne ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamo fara badan la dhigay waddooyinka xaafada illaa Air porka.

Ka hor inta uusan Madaxweynaha Hirshabelle ka degin garoonka diyaaradaha Beledweyne ayaa waxaa jiray madaafiic lagu weeraray garoonka, inkastoo aan la soo sheegin wax khasaare ah.