Safarkeygii 1000 km (Sawirro+Warbixin)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

SAFARKAYGII 1000 KM
WAXAAN SOO ARKAY WAX KA BADAN WIXII AAN FILAYAY

Soomaaliya waxaa hadda ka jira dhibaatooyin fara badan oo ay ugu daran tahay abaarta, si aan ugu kuur galo saamaynta ay abaartu ku yeelatay dadka iyo duunyada ku nool Bariga Gobolka Mudug ayaa Gaalkacyo oo aan diyarad ku tegey ka dib waxaan safarkayga ka bilaabay anigoo dhulka maraya Deegaanka CARFUUDA oo 20 KM u jirta Gaalkacyo, kala bar in ka badan dadkii halkaasi ku noolaa waxay u bara kaceen deegaanka XAAR-XAAR halkaasi oo xarun u ah dadkii ka barakacay dagaaladii Gaalkacyo. dhibaatadu halkaasi ka jirta ma yarayn waxaad ka garan kartaa Fuustada Biyaha la cabo waxaa la kala siistaa 160.000 Sh. So. oo u dhiganta 5$, ma laha xarun caafimaadka ama MCH, waxbarasho ma leh wax horumarna haba sheegin. Intaasi kadib waxaan tagay deegaanada BAJEELA, AF-GUDUUDLE, XAARO, LAASO CAYR, CEEL DIBIR, XERO DHAGAXLAY, WISIL, JIRAY, BIYAMAAL, CADAAD LOW LOW, HOBYO, LEBED, BUD BUD, XIIN GOD, anigoo sii maray DOCOL, WAR GALO iyo GAWAAN, markii dambana soo maray BANDAR QAALI, BITAALE iyo QAR QOORO DHEER.

Meelahaasi waxaa ka jira dhibaatooyin ay ugu daran tahay abaarta, muddo labo sano ah wax roob ah kuma hoorin degaanadaasi, xoolihii kala bar waa le’deen, nolosha dadkuna waa mid aan la sheegi karin, dhulku waa geed gaab mana jiro geed cagaaran oo ay daaqaan hanbada xoolaha ka hartay, haddii la iibsan lahaa xoolaha beec ma leh, kuwo irmaana maba jiraan, haddii ay jiraanna waa fara ku tiris, shaaha la cabo Caano Booro ayaa lagu Caddaystaa Beled & Baadiyaba, waxaa la siiyaa caruurta Caano Booro, si kastaba waan ogaa in dhulka abaari ka jirto laakiinse waxaan soo arkay in ka badan waxaan filayay sababtoo ah waxaan arkay dad waashay markii duunyadii dhaaftay, waxaan arkay Ari Geella ka adkaysi badan, waxaan arkay nin haysta afar tiro oo Ari ah (Afar Boqol) oo shaaha caano boore ku caddaysanaya, waxaan arkay Ari ceelkii u muuqdo oo booyad biyo loogu dhaaminayo, waxaan arkay Geel Mesego loo la karinayo, waxaan arkay lo’ baakaddo lagu quudinayo, waxaan arkay baraago qarxay markii ay dhibic roob ah waayeen, waxaan arkay dugsiyo Qu’aan oo laga hayaamay iyo caruur iyo waayeel nafaqo daro la il daran.

BIYAHA

Dhibaatada ugu daran ee deegaanadaasi ka jirta waa biya la’aan saamaysay dadka iyo duunyada intaba, biyaha waxaa loo yaqaan labo nuuc oo loo kala bixiyay BIYO SOOLAR & BIYO XAREED, Biyo Soolarka ah waxaa looga jeedaa biyaha qaraar, kuwa macaana waa xareed, kuwa xareeda ah waxaa loo gadaa sida biyaha sifaysan ee magaalooyinka lagu iibiyo ee loo yaqaano (MOOYA SIXIDA ama DUR-DUR) inta badan deegaanada aan tagay ma jiraan Matooro Biyaha soo saara, waxaana Ceelasha lagu cabaa WADAAN sida degaanada BAJEELA, XAARO, LAASO CAYR, CEEL DIBIR, AF-GUDUUDLE, XERO DHAGAXLAY, LEBED, BUD BUD, BANDAR QAALI, BITAALE, iyo QAR QOORO DHEER, biyuhu waa qaraar oo aan nafta loo quuri karin waxaana ku dhiban dadka nugulka ah sida caruurta haweenka iyo waayeelka, waxaa jira kuwo aan lahaynba wax ceelal ah sida deegaanada JIRAY, BIYAMAA, CARFUUDA, LAASO CADALE iyo CADAAD LOW LOW. Balse waxay lahaayeen BARAAGO waana qarxeen markii ay waayeen dhibicda roobka goobta ugu dhow ee deegaanadaasi biyo ka heli karaan waa 15 KM.

Biyo xumadaasi waxay aafaysay noolaha oo dhan. Qiimaha biyaha ayaa ahaa kuwo kala duwan oo Booyadii biyo ah inta ka sokaysa HOBYO waxaa la kala siistaa 150$ inta ka shishaysana ee u dhaxaysa BUD BUD iyo CEEL DIBIR waa 400$ waana la daymiyaa dadka oo waxaa lagu xujeeyaa in deyn bixiyaha kaliya laga iibin karo xoolahaasi markii la roobsado, in lacagtaasi la helo waa adag tahay. Dadkana inta badan waa wada qaamaysan yihiin.

WADDOOYINKA

Dhibaato kale waxay ahayd wado la’aan ay ka sinaayeen deegaanadii aan booqday meel kasta waxaa ku yaala waxa loo yaqaan RASTO Ameerikaan bacaad duugay ama Dhagax Goglan oo laba baabuur isku dhaafi Karin. Tusaalle fiican oo aan la kulmay haddii aad Booyad Biyo ah dalbato si aad xoolahaaga ugu waraabsato, waxaad ku qasban tahay inaad hagaajiso wadada ay Biyahaasi soo marayaan, dhinaca kale haddii ay dhacdo in la soo gurmado ma laha wado la maro si dadka loo bad baadiyo, waxaase yididiilo leh wado Jaay ah oo laga bilaabay WISIL oo hadda maraysa GAWAAN lana doonayo in HOBYO la gaarsiiyo.

CAAFIMAADKA

Deegaanada leh Rugaha Caafimaad sida MCH waxaa fara ku tiris waxaana ka mid ah WISIL, HOBYO, BUD BUD, iyo XERO DHAGAXLEY, waxaa jira kuwo leh Rugo Caafimaad oo haddana aan shaqayn iyadoo laga cabanayo daawo la’aan sida BAJEELA, CEEL DIBIR iyo XIIN GOD ( waa halka deegaan oo leh Gaariga Gurmadka (Umblance) oo ay leeyihiin MCHka deegaanka ku yaala oo qofka xanuun ku soo boodo loogu qaado Gaalkacyo, kuwa kale lagama yaqaan MCH-yo sida XAARO, AF-GUDUUDLE, CARFUUDA, LAASO CADALE iyo LEBED iyo meelaha baadiyaha ah sida LAASO CAYR, JIRAY, BIYAMAAL IYO CADAAD LOW LOW. Daryeelka Caafimaadka ugu dhow waa Gaalkacyo gaarigana waxaa lagu kireeyaa inta u dhaxaysa (300$-500$) oo haddii aanan la heli karin ay dhibaato caafimaad wajahayaan. Ma jirto meel hal Dhakhtar Caafimaad joogo deeganadaasi oo dhan.

WAXBARASHADA

Waxbarsahada waxaa jira meel Dugsi Waxbarasho leh oo shaqeeya sida XAARO (Waxaa jooga hal Macallin), XIIN GOD (Waxaa jooga hal Macallin) XERO DHAGAXLEY (Waxaa jooga labo Macallin) WISIL (Waxaa jooga seddex Macallin) BUD BUD (Waxaa jooga seddex Macallin) HOBYO (Waxaa jooga seddex Macallin) CEEL DIBIR (Waxaa jooga seddex Macallin) waxaa jira deegaanno leh dugsiyo oo aan shaqayn sida BAJEELA. Meelaha qaarna lagama yaqaan wax dugsi (School) ah sida AF-GUDUUDLE, CARFUUDA, LAASO CADALE, LEBED, LAASO CAYR , JIRAY, BIYAMAAL IYO CADAAD LOW LOW.
Dugsiyadaasi waxay iskugu jiraan kuwo ay sameeyeen hay’ado samafal sida Dugsiyada XERO DHAXAGLEY, BAJEELA, WISIL, CEEL DIBIR iyo kuwo ay dadka deegaanka gaar ahaan Jaaliyadaha Dibada ay maal galiyeen, sida Dugsiyada BUD-BUD iyo XIIN-GOD, Lacagaha Mushaaraadka Macallimiinta Dugsiyada waxaa bixiya inta badan dadka deegaanka oo gacan ka helaya Jaaliyahada Dibada; waxaana intaasi dheer dugsiyo QUUDIN leh oo laga helo Quraac & Qado ay bixiso Hay’ada Cuntada Adduunka (WFP). Dugsiyada ay quudiso (WFP) ee aan arkay waa dugsiyada BUD-BUD iyo XAARO. BAJEELA Dugsiga ku yaala waa Macallin la’aan oo waxay dadka deegaanku awoodi waayeen mushaaraadka Macallimiinta, meelaha qaarkoodna Iskuuladu waa lacag ay waalidiidnta bixiyaan sida HOBYO iyo CEEL-DIBIR.

GAR GAAR BANI AADANIMO

Xaalad ba’an ayaa ka taagan deegaanada aan soo maray dadka iyo duunyada waxay u baahan yihiin gar gaar deg deg ah, hay’adaha gobolka ka howl gala kuwa ugu samaynta badan waxaa ka mid IRC, ICRC, ADESO, iyo MERCY INTERNATIONAL oo qaabilsan caafimaadka. Markii dadka degaanadaasi aan la sheekaystay wax gurmad ah oo la sheegi karo ma jiraan, mudadii lixda bilood ahayd ee ugu danbaysay, marka laga reebo hay’ada ADESO oo seddex deegaan (LEBED, BUD BUD, & XIIN GOD) siinaysay qoysaska saboolka ah min 50$ muddo labo bilood ah, waxaana intaasi dheer HOBYO oo ka bixiso kharashka dadka nadaafada deegaanka ka shaqeeya oo ay siiso min 100$ dad gaaraya 120 qof. Waxaa intaasi raaca hay’ada IRC oo LEBED u samaysay 7 ruux ganacsi ku kacaya min 1000$ qofkiiba oo lagu komeerayo lana taakulaynayo ciddii hoos u dhac laga dareemo. Waxaan kaloo arkay kormeerka saraakiisha hay’adaha IRC iyo ICRC oo meel walba gaarey.

HORUMARKA

Wax horumar ah kama jiraan deegaanadii aan soo maray oo dhan sida: dayactirka ceelasha oo intooda badan guray, daryeelka caafimaadka oomeelha qaar lagu diimayo, waxbarashada oo meelaha qaarkood aan ka jirin iyo dayactirka wadooyinka oo aad loogu baahan yahay xilligan, taasi oo fududayn lahayd in dadkaasi si sahlan lagu gaaro loona gurman karo haddiiba ay jirto wax u gurmad ah oo loogu tala galay.

W.D. Cabdinaasir Xersi Iidle
Mail: naasirx1@gmail.com
Mobile: +252615503978

FB_IMG_1489399270340 FB_IMG_1489399266476 FB_IMG_1489399257939 FB_IMG_1489399249586 FB_IMG_1489399243979 FB_IMG_1489399240812 FB_IMG_1489399237216 FB_IMG_1489399232925 FB_IMG_1489399228568 FB_IMG_1489399215611 FB_IMG_1489399210725 FB_IMG_1489399206286