Guddiga gurmadka abaaraha degmada Cadaado ayaa maanta deeq raashin ah gaarsiiyey 200 qoys oo ku dhaqan magaalada Cadaado.
Deeqdan ayaa qeyb ka ah raashin qeybin iyo biyo dhaamin ay wadaan guddigaan, waxaana maalmahaan ay meelo kala duwan gaarsiiyeen lacago, raashin iyo biyo.
Guddigaan oo ay iska soo xuleen bulshada Cadaado ayaa dadaal badan ugu jira sidii loo gargaari lahaa dadka abaartu saamaysay.
Hay’adaha ayaa si gaabis ah ku shaqeynaya, waxaana muuqata inaysan buuxin kaalintii laga filayey, deegaanada Galmudug ayaa abaartu saameyn ku yeelatay miyi iyo magaalaba.
Dadka kasoo hayaamay miyiga ee ay xooluhu ka dhamaadeen ayaa ku soo qulqulaya magaallooyinka, iyagoo u baahan hooy, cunno iyo biyo.